Madaxweyne Deni oo u anba baxay dhamaystirka dhismaha Golaha Deegaanka Eyl

Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Eyl waxay ubadan tahay in uu hirgalo oo la dhamaystiro.

Madaxweyne Deni ilaa iyo hada,waxuu ku guulaystay in uu kala furfuro garabyadii caqabada ahaa.

Reer Faroole oo muran ka keenay doorashadii ka dhacday Degmada oo hada la sheegayo in uu qanciyay Madaxweynuhu.

Ururka Mideeye garabkii Abshir Cumar Huruure oo la sheegayo in uu taageeray qorshaha Dowladu wado.

Xubnihii Ururka Kaah ee Degmada uqaabilsanaa waliba Ninkii usharaxnaa Duqa oo Dowladu ku qancisay in uu tanaasulo si loosoo afjaro xifaaltanka Beelaha ee jira.

Dhamaystirka Doorashada Degmada Eyl,waxay muhiim utahay dhamaystirka nidaamka Dimuqraadiyada Puntland.