Maraykanka oo Taiwan ka iibinaya Hub fara badan oo casri ah

Xirmadan Hubka,ayaa waxaa ku jira nidaamka digniinta Raadaarka oo uu ku baxayo kharash dhan 655 malyan oo doolar oo loogu talagalay 60 gantaal oo ah nooca loo yaqaan Harpoon, kuwaas oo awood u leh inay dejiyaan Maraakiibta.

Waxaa sidoo kale ka mid ah nidaamka Sidewinder ee ka hortaga Gantaalada inta ay hawada ku jiraan kaas oo ay ku baxayso Lacag dhan 85.6 Milyan oo dolar, sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ee Pentagon-ka.

Iibka hubka ee Maraykanka ee lagu heshiiyey Jimcihii,ayaa weli u baahan in uu u codeeyo Kongareeska Maraykanka ee aadka u taageersan Taiwan.

Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka noqdo heshiiska haddii kale uu wajihi doono “tallaabooyin liddi ku ah”.

Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dhanka sharciga ah,”Ayuu raaciyay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka,ayaa sheegay in heshiisku uu muhiim u yahay ammaanka Taiwan,isagoo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo cadaadisyada iskugu jira Militariga,diblomaasiyada iyo dhaqaalaha ee ka dhanka ah Taiwan, taa beddelkeedana ay la gasho wadahadal dhab ah.

Shiinaha,ayaa Taiwan u arka Gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Halka reer Taiwan ah ay isku u arkaan Jasiirad iskeed isku maamusha oo ah Qaran gaar ah – madaxbannaanida haday hesho iyo hadii kaleba.

Taiwan.Waxay leedahay Dastuur u gaar ah, hoggaamiyeyaal si Dimuqraadi ah loo soo doortay, iyo ilaa 300,000 oo Askar shaqaynaysa ah oo ka tirsan Ciidamadeeda Qalabka-sida.