Jig-jiga:-Hogaankii Nabadgelyada oo baxsaday,Qandaraas Hub oo fashilmay iyo Banaanbaxyo socda

Deegaanka Somalida ee Itoobiya,waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah.

Dirirdhabe

Magaalada Dirirdhabe,waxaa ka dhacay Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Mustafe.

Talye xigeenka Booliska Dirirdhabe oo Amxaar ah,ayaa xirxiray tiro Dhalinyaro Somali ah oo Mudaaharaadka qayb ka ahaa,waxaana lagu shaabadeeyay in TPLF soo abaabushay.

Talye xigeenka Booliska Diridhabe iyo M.Mustafe waxay wada dhigan jireen Iskuulkii Harar oo waa macrifo.

AYSHICA

Magaalada Ayshica ee Gobolka siti oo ah Degmada ay hoostago mid ka mid ah Marinada ugu weyn Itoobiya ee Danwale oo ay wax ka soo galaan dhanka Xadka Jabuti,waxaa ka dhacay banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Xukuumada Mustafe Cagjar.

Banaanbaxayaasha,ayaa laga cabsi qabaa in ay xirtaan Wadada,sababtoo dhawr jeer oo ay kaceen waxay xirteen Wadadaas Halbawlaha ah.

Jig-jiga

Hogaankii Nabadgelyada Deegaanka Somalida Mubashir Dubbe,ayaa ubaxsaday Caasimada Adis-ababa Jimcihii,kadib markii Gurigiisa Ciidan lagu wareejiyay.

Mubashir Dubbe:-Hogaanka Nabadgelyada

Mubashir oo kasoo jeeda Beesha Habaskuul ee Jid-waaq ayna Ilmo habreed yihiin Xaaska Madaxweyne Mustafe,ayaa loo haystaa Lacag 720-Milyan oo Bir ah,taasoo loogu talagalay in Hub loogu soo iibsho Ciidanka Liyuu Booliska.

Mubashir,ayaa ahaa Wasiirkii Maaliyada xiliga Qandaraaska Hubka lagu soo ibinayay la bixinayay.

W.Madaxtooyada:-Xuseyn Qaasim

Qandaraaska,waxaa bixiyay Xuseyn Qaasim oo ahaa markaas Hogaanka Nabadgelyada haatana ah Wasiirka Madaxtooyada ayna Ilmo Adeer yihiin Madaxweyne Mustafe.

Madaxweynihii hore Ciid Daahir Faarax

Madaxweynihii hore ee Deegaanka Ciid Daahir Faarax oo M.Musrafe Sodogii ah,Wiilkiisuna yahay Wasiirka Hawlaha Guud,ayaa qaatay Qandaraaska fashilmay ee Hubka loogu soo iibinayay Ciidamada Liyuu Booliska.

W.Hawlaha Guud:-Cabdiraxmaan Ciid Daahir Faarax

Qandaraaska,waxaa Lacagtiisa la hormariyay 70%,iyadoo Sodonkii harsanaana la shubay Hubkii oo aan Gacanta Maamulka soo gelin.

Jibril Qoobey.