Tigreega oo Gacanta ku dhigay Magaalada muhiimka ah Ee Humera

Ciidamo gaaraya 800 oo qayb ka ahaa kuwii ujoogay Sudan Nabad ilaalinta Sinji ahaana kasoo jeeda Tigree,ayaa kusoo biiray dagaalka,waxayna kasoo galeen dhanka Xeryaha Qaxootiga ee gudaha Sudan.

Furimaha dagaalka ee Humera oo ilaa Shalay uu ka socday dagaal laysku riiqmay,ayaa kusoo biirista Ciidankan oo Galabta soo talaabay ay wax ka badashay.

Caawa 7-dii fiidnimo ayay Humera waxay gashay Gacanta Ciidamada Tigreega oo Labadii maalmood ee udanbeeyay laga Gacan sareeyay.

Ciidamada Tigreega,ayaa ku qabsaday halkaas Kayd fara badan oo Saad ay lahaayeen Ciidanka Mileteriga Itoobiya ah.

Shacabka Amxaarada iyo xagjirka dhalinyarada Faano,ayaa kusii qulqulaya furimaha Xuduuda Sudan ee Humara.

Sidoo kale Haweenka Amxaarada oo sida Canjeera ay caanka ku yihiin ee Daafida oo ay Ciidamadooda ku taageerayaan,ayaa ka baxay caasimada Deegaankooda ee Bahardar.

Jibril Qoobey.