Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Xasan Ee Sacuudiga?

Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud,waxuu usocdaalaya Sacuudiga Beri foog ama Saadanbe midkood.

Horay,waxay ii xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya in 6-da Bisha oo Beri ku beegan uu bixi doono Madaxweynuhu,balse warkale,ayaa caawa sheegaya in uu 7-da bisha dib udhacay.

Socdaalkiisa Boqortooyada Sacuudiga,ayaa ku salaysan laba Qodob oo kala ah…

1.Dhaqaale Sacuudigu uu ku taageerayo Somaliya oo lagu soo wareejin doono Madaxweynaha.

2.Dowlada Somaliya oo codsan doonta in loo qabto Shirweyne Carbeed oo dhaqaale Somaliya loogu ururinayo.

Boqortooyada Sacuudigu waxay ka mid tahay Dowladaha Lacagaha Cadaanka ah si toosa ugu gacangaliya Madaxda Somalida ee markaas kursiga fadhida.

Jibril Qoobey.