Ruto oo si rasmi ah unoqday Madaxweynaha Kenya

Maxkamadda Sare ee Kenya,ayaa taageertay natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taas oo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.

Maxkamadda ayaa diiday dooddii Ra;isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo uu ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

“Tani waa go’aan loo dhan yahay. Codsiyadii kale waa la laalay, taas awgeed waxaan ku dhawaaqeynaa jawaab-celin in Ruto yahay
madaxweynaha la doortay,” ayay tiri guddoomiyaha maxkamadda sare Martha Koome.

AFP.