Boqorada Uk oo aqbashay Truss in ay noqoto RW cusub Ee Uk

Liz Truss ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain taas oo afjareysa labo bilood oo xaalad kala-guur ah ah kadib markii lagu khasbay Boris Johnson in uu xilka ka dego faddeexado dhowr ah dartood.

Boqoradda Elizabeth ka codsatay Liz Truss inay soo dhisto dowladd kadib markii ay kulan kula qaadatay gurigeeda ku yaalla Scotland.

Waxay xilka la wareegeysaa kadib saameynta ka dhalatay dhaqaale xumada ka taagan Ingiriiska iyo dagaalka Yurub.