Hubyari soo wajahday Ciidamada Ruushka

Ruushka wuxuu ku khasbanaaday in agab militeri uu kasoo iibsado Kuuriyada Waqooyi kadib cunaqabateynta lagu soo rogay xukuumadda Moscow, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Sida laga soo xigtay warbixin sirdoon oo ay heshay warbaahinta New York Times, Ruushka wuxuu malaayiin madaafiic ah iyo gantaallo kasoo iibsaday Kuuriyada Waqooyi.

Sarkaal Amerikaan ah ayaa sheegay in Ruushka uu ku khasbanaaday in hub uu kasoo iibsado Kuuriyada Waqooyi xilli uu dagaalka socdo dagaalka Ukriane.

Waxaa lagu soo warramay in toddobaadkii lasoo dhaafay uu Ruushka dalbaday diyaaradaha Drones-ka ee Iran.

Iran iyo Kuuriyada Waqooyi waxay bartilmaameed u noqdeen cunaqabateynta reer galbeedka, waxay xiriir la yeesheen Ruushka tan iyo markii Vladimir Putin uu duullaan ku qaaday Ukraine.