Maxaa udanbeeyay dagaalka Tigreega iyo Mileteriga Itoobiya?

Dawlada Sudan waxay amartay in la xiro Xeryihii ay ku jireen Qaxootiga Tigreega ee Hamdhaay.

Sudan waxay sabab uga dhigtay xiritaanka Xeryaha Qaxootiga soo gelitaanka dagaalka ay kusoo biireen Ciidamada Ereteriya.

Labadii maalmood ee udanbeeyay,waxaa dagaal xoog leh ka socday nawaaxiga Magaaloiyinka Dhima iyo Udhima.

Deegaanka Amxaarada”

Magaalada Dessei ee Deegaanka Amxaarada waxa laga fuliyey Xalay ilaa Maanta 7-da Dil oo qorsheysan,waxaana ka mida dadka la dilay Duqii Magaalada Dessie.

Shacabka Magaalada Warqe waxay soo sheegeen in Ciidamo fara badan oo Tigree ah ay isku arursanayaan,iyagoo koox koox kusoo galay gudaha Magaalada.

Ciidamada Tigreega,ayaa gudbay furimaha dagaalka ee Alamata iyo Abageele,waxayna durba Gacanta ku dhigeen Magaalada Alamata iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale Magaalada Abageelle Galabta ayey dhabarjabin ku galeen ilaa iyo Caawana Xabada,ayaa socotay.

Getajow Reda oo hadlay,waxuu xaqiijiyay in Tigreegu dagaalkii ay ku jireen Todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka gaareen guulo waa weyn.

“Shacabka Tigreega qaybihiisa kala duwan waa tababaran yahay,waxuuna haystaa Hub ku filan Tigree kuligood waa Ciidan Shacab maleh”Ayuu yiri Getajow Reda.

Gobolka Welega,gaar ahaan Magaalada Bedele Jamhada Oromada ee Onag Shena,ayaa la wareegtay maanta Maamulkii Magaaladaas,Xeryihi Ciidanka iyo Saldhigii Booliska.

Jamhada Onog,ayaa ka faa’idaysatay Ciidankii fadhiyay Magaalada Bedele oo gurmad ahaan loogu qaaday furimaha dagaalka.

Sida wararku sheegayaan,waxay ka gaysteen Magaaladaas layn Shacab aan Hubaysnayn oo kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada.

Jibril Qoobey.