Maxay yihiin caqabadaha horyaala ra’isalwasaaraha cusub Ee Uk ?

Xoghayihii Arrimada Dibadda ee Britain Liz Truss ayaa ku guuleysatey in ay noqoto Ra’iisal Wasaaraha Britain ee Xafiiska kala wareegi doonta Borris Johnson oo bishii July xilkaasi iska casilay kaddib culeys kaga yimi Golihiisii Wasiiradiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka ee xisbiga Conservative-ka.

Liz Truss,ayaa xilka qabanaysa xilli adag oo uu socdo dagaalka Ukraine oo saameyn weyn ku yeeshay caalamka, gaar ahaan Yurub, qiimaha maciishada iyo shiidaalka oo kacay iyo sicir-bararka oo halkii ugu sarreysay muddo Afartan sano ah ka gaaray Britain.

Halkan ka daawo muuqaalka