Golaha amaanka oo kulan ka yeelanaya Somaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo Al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan Somaliya.

Kulankan,ayaa kusoo aaday xilli Somaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo Macluul xoog badan oo la saadaaliinayo.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber,ayaa Golaha warbixin siin doona xaaladda Somaliya.