Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday mid cusubna la magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in, isaga oo tixraacaya soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, uu u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

“Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

“Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa horey usoo qabtay xilkan oo uu hayey intii u dhaxeysa November 2015 illaa April 2017, xilligaas oo uu sidoo kale magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.