Somaliya oo qarka usaaran in macaluul ka dilaacdo

Toddobaadkan, khabiirka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhici doonaan macaluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar iyada oo aan la qeybin gargaar la taaban karo.

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee dalka iyo gobolkaba” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo intaas raaciyay “Macluusha iman karta waa natiijada arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda gobolka oo ay ka jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah”

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka derisa aysan weli kasoo kabsan saameyntii COVID-19.

“Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta, iyo shidaalka, taas oo uga sii dartay baahida bini’aadanimo iyo ka dhigista gargaarka mid qaaliga ah, isla markaana xaddiday gaaritaankiisa” ayuu sii yiri Jake Sullivan.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya uu ugu deeqay in ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya, laakiin wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in aysan weli arag deeq-bixiyeyaal kale oo soo kordhiyey kaalmooyin la taaban karo, iyo gargaar, wuxuuna sheegay inay lama huraan tahay in beesha caalamku ay si degdeg ah wax uga qabato, si loo badbaadiyo nolosha, loogana hortago in saadaashaasi ay noqoto mid dhab ah.