Talyaha cusub Ee Daraawiishta Puntland oo xilkii la wareegay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Puntland (Daraawiishta) Jen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Taliyihii hore Jen. Yaasiin Cumar Dheere.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida wanaagsan ee Ciidanka geesiyaasha ah ee Puntland, gaar ahaan Ciidanka Difaaca ee Daraawiishta ay u gutaan waajibaadkooda isagoo uga mahadceliyay Taliyaha xilka wareejiyay maanta Jen.Yaasiin Cumar Dheere sida uu u gutay shaqada intuu xilka hayey, gaar ahaan doorkiisii ku aadana qorshihii dib-u-habeynta ee Ciidanka lagu sameeyay.

Ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta oo ah Ciidankii ugu horeeyay ee Puntland lagu aasaasay, ayaa saddexdii sanno ee ugu danbeysay Dowladdu ku sameysay dib-u-habeyn, tababar iyo tayeyn ciidan, isbedelkaasi guuleystay oo qeyb ka ahaa ballan qaadkii Madaxweynaha Puntland ayaa siweyn looga dareemay guud ahaan Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidanku ay kaallin muhim ah ka qaataan dhammaan shaqooyin dalka ka socda, isagoo u rajeeyay taliyaha cusub ee xilka la wareegay Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) in uu halkaasi howsha kasii waajibaadka horyaalla.

Si loo dhiirrigeliyo Fanaaniinta Kooxda Horseed ee ka midka ah Ciidanka Daraawiishta Puntland, Madaxweynaha ayaa min hal xiddig dalacsiiyey kooxda fanka ee ciidanka, si gaar ah waxaa labo xiddig la dalacsiiyey Sarkaalad Raxma oo ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Daraawiishta. Wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay doorkooda wacyigelinta Ciidanka oo qeyb ka ah dhiirrigelinta iyo gubaabinta shaqo.

Munaasabadda Xilwareejinta Taliska Ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Ciidanka 54-aad, waxaa Madaxweynaha kala ka qeybgalay Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Galan, Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, Saraakiisha Ciidanka Difaaca Puntland heerarkooda kala duwan, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland, Lataliyeyaasha Amniga ee Madaxweynaha, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland, Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo marti sharaf kale.

Halkan ka daawo muuqaalka