Uhuru iyo Ruto oo ugu danbayn wada hadlay Dhawr Bilood kadib

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kenya, William Ruto, ayaa sheegay inuu wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha xilka kasii degaya, Uhuru Kenyatta, kaasoo la xiriira xiliga kala guurka.

William Ruto, ayaa sheegay inay ka wada hadleen doorashadii dhawaan lasoo gaba gabeeyay, iyo isbadalkii dimuqraadiyada ee ka dhacay dalka Kenya.

Kenyatta, oo taageeray murashaxa la tartamayay Ruto ee Raila Odinga, ayaan la hadlin madaxweynaha cusub ee la doortay, tan iyo markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii guud ee dhacday 9-kii bishii Ogosto ee ina dhaaftay.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Isniintii, kadib markii Maxkamadda Sare ay xaqiijisay inuu ku guuleystay doorashadii guud ee dhacday, madaxweynaha la doortay wuxuu sheegay in aysan wada hadlin labadoodu “muddo bilo ah”.

Isla maalintaas, madaxweyne Kenyatta, ayaa waxa uu soo diray bayaan uu ku xaqiijinayo in si habsami leh uu u sameynayo kala guur awoodeed, isaga oo aan xusin Ruto.

Qaar kamid ah dadka Kenyanka ah ee khadka internetka rayiga isku dhaafsadey, ayaa Kenyatta ku dhaleeceeyay inuu “yareysanayo” guusha Ruto.

Mid ka mid ah dadka isticmaala Twitterka ayaa yiri: “Uhuru Kenyatta waxa uu ku guul dareystay in uu xuso Ninka kala wareegaya ee, William Ruto, awoodda, khudbaddiisa oo toddobo daqiiqo socotay, iyadoo shirka uu hadalkani ku sheegay Kenyatta uu ku qabtay Aqalka Madaxtooyada

“Jooji inaad noqoto ruux xaasid ah Mudane Madaxweyne. Noqo qof dabacsan, oo u hambalyeey [Ruto] oo ka gudub wixii hore,” isticmaale kale ayaa sidaasi yiri.

Ruto, ayaa loo dhaarin doonaa xilka madaxweynaha Kenya Talaadada soo socota