Hot Topics

Dowlada Abiy oo ku jirta jahwareer Siyaasadeed

Ethiopia's Prime minister Abiy Ahmed speaks during a press conference at his office in Addis Ababa, on August 25, 2018. (Photo by Michael Tewelde / AFP)

Siyaasadii Dowlada Abiy meel aan la maarayn karin ayay gaartay markii lagu qiimeeyo jahwareerka ka muuqda.

Dowlada Abiy waxay Somaliya si cad ugu eedaysay in ay TPLF taageerto.

Markale Dowlada Abiy waxay raali gelin siisay Dowlada Somaliya markii warkii la xumaaday oo gudo iyo dibad culays kasoo fuulay.

Sidoo kale Ururkii ONLF ee xoraynta Ogaden oo si iskiis ah Nabada uqaatay hadii cid lagu abaalmarinayo la dagaalanka TPLF ay iyagu noqon lahaayeen kuwa lagu abaalmariyo,ayay si cad ugu dhaleecaysay in ay wada shaqayn la leeyihiin TPLF ,Onog iyo Alshabaab.

Ururka ONLF,ayaa si xooggan u beeniyey warka lagu baahiyey warbahainta taageerta dawladda Itoobiya.

Shacab Amxaaro ah oo ku banaanbaxayay Maraykanka,ayaa hadalkaas si ficila ubadalay oo fagaare ka sheegay,waxayna amaan kala dul dhaceen Farmaajo.

Sidoo kale Dowlada Abiy Baanka Aduunka ayay muran kala gashay warbixin uu soo saaray oo ku soo gudbiyay heerka Gaajada Itoobiya iyo in aysan awoodin Dayn danbe in ay iska bixiso.

Sida muuqata Dowlada Abiy dhexdeeda islama socoto,waxaana haysta jahwareer aan caadi ahayn.