Fariinta Ruushka uguma duwana PL,JL, iyo SL Musik dhagahooda kusoo dhacaya

Hadalka Ruushka uu sida dadban ugu goodinayo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waa mid lagu qoslo.

Raashiya wax saamayn ah oo ay Siyaasada,dhaqaalaha iyo Amniga Somaliya ku leedahay xiligan majirto.

Hadalka kasoo baxay Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobey waa mid uu uga dan leeyahay Laba ujeedo oo kala ah..

1.Isku dhererinta uusan awoodin ee uu kula jiro Maraykanka.

2.In uu helo Daaqad uu kasoo galo Somaliya.

Puntland iyo Jubaland ma hor taagna socodsiinta Fadaraalka,taa badalkeeda,iyagaa la oran karaa waa utaagan yihiin ilaalintiisa.

Si gaar ah Puntland waa hooyada Fadaraalka hadana bilowday daadajinta nidaamka si Dimuqraadiya.

Danjiraha Ruushka hadalkiisu,waxuu udhignaa sida tan…

“We hope that all participants in the Somali political process, including the leadership of the states of Jubaland, Puntland and Somaliland, will continue to work together with Mogadishu to form a sustainable model of a federal structure in the country. At the same time, we firmly believe in the need to ensure the territorial integrity and unity of the country”

“Vadim Kirpichenko,ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Saddexdan maamul in ay dowladda federaalka kala shaqeeyaan daadajinta nidaamka federaalka ee Somaliya,Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo sharafta iyo midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliya.

“Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Somaliya,”Ayuu yiri Danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobay.

Somaliya xiriir ay la yeelato Ruushka macno uma samaynayo qiimana uma leh xiligan uu Ruushku dhex taagan yahay burbur dhaqaale iyo mid Mileteri oo uu ku fashilmay dagaalka Ukrain.

Hanjabaadiisu kama duwana Musik dhagaha Somalida kusoo dhacaya.

https://russiaun.ru/en/news/070922k