Kulanka Golaha Wasiirada Fadaraalka Ee Todobaadkan oo aan xiiso lahayn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre,ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda,ayaa looga hadlay…

1.Xoojinta qorshayaasha sugidda amniga.

2.Dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha.

3.Barnaamijka Geedi socodka deyn cafinta Somaliya.

Wasiirka Arrimaha gudaha,ayaa ugu horayn looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka Abaarta.

Balse Wasiirku masoo bandhigin gurmad Bulsho oo Xukuumadu samaysay kaliya,waxuu la shir yimid himilooyin,tusaalayn iyo xogo lasoo ururshay.

Sidoo kale Wasiirka Amniga gudaha,ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeeyay ee Ciidamadu ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga.

Si la mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha,ayuu kan Amniguna usoo gudbiyay Sheeko laysku soo duba riday mana keenin talaabooyin la taaban karo oo Dowladu kaga jawaabtay weeraradii argagixisada ee ugu danbeeyay kii ay ku xasuuqeen 18-ka Qof ee Shacabka ah.

Si la mid ah Wasiirada kale,waxaa Golaha warbixin siiyay Wasiirka Maaliyada,waxuuna ka waramay halka uu marayo Barnaamijka Geedi socodka deyn cafinta Somaliya.

Warbixintiisa qurxoonayd ee ka sheekaynaysay waxa loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo si Somaliya ugaarto guulo dhaqaale kuma jirin hal talaabo oo Xukuumadan qaaday oo lagu guulaystay.

Warbixinta Wasiirka Maaliyada Fadaraalka uu ka jeediyay Shirka Golaha Wasiirada waxay kusoo aadaysaa,iyadoo ay ismari la’a yihiin Wasiirada Dowlad Goboleedyada oo isla fahmi la’a yihiin qaybsiga deeq dhaqaale oo ka timid Baanka Aduunka.

Sida muuqata Xukuumada hada jirtaa lama sheegi karo hal guul oo ay ka gaartay shaqada hortaala ilaa iyo hada.