Madaxweynaha cusub Ee Kenya oo rajo xumo Mustaqbal usaadaaliyay Somaliya

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto,ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jiraan caqabado ay adag tahay in wax laga qabto.

Mar uu shalay la hadlayay barnaamijka Amanpour ee CNN ayuu xusay in caqabadahaas ay Somaliya wajaheyso ay ku jiraan arrimo amni oo soo jireen ah, haddana ay macaluul ku soo fool leedahay.

“Caqabadda Somaliya waa mid ay adag tahay in la maareeyo, la fahmo ama wax laga qabto,” ayuu yiri Ruto oo sheegay in uu horay ula soo shaqeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno Madaxweyaha Somaliya iyo beesha caalamka si aan u xallinno caqabadaha jira, Somaliyana ay ugu suurtagasho in ay iyadu danaheeda amni ka shaqeyso,” ayuu yiri Ruto

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa markii uu ku jiray ololaha doorashada waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS uusan ka soo saari doonin Soomaaliya.

Waxay Somaliya ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee u hambalyeeyay Ruto markii uu guushiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxabannaan ee Kenya, Wafula Chebukati.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa markaas u hambalyeeyay Ruto, sidoo kalena khadka Taleefoonka ayay ku wadahadleen labada Madaxweyne, sida ay shaacisay Nadaxtooyada Somaliya.