Muxuu ku salaysan yahay isqabqabsiga ka taagan hay’ada sirdoonka Puntland?

Muranka iyo isqabqabsiga ka dhex taagan hay’ada Sirdoonka Puntland waa mid ku salaysan dhaqaale.

Shaqo iskuma hayaan kumana murmaan dayac dhacay iyo xil gudasho la’aan masuuliyadeed.

Agaasimaha hay’ada waxuu xilalkii ka qaaday ku xigeenkii iyo dhawr Madax Waaxeed kadibna Nayrobi,ayuu u aaday nasashadiisii Bilaha ahayd.

Hay’ada Sirdoonka Dowladu waxay ku maalgelisaa Sanadkii dhaqaale ku dhow Hal Milyan Dolar.

Sidoo kale,waxaa jira dhaqaale ka yimaada mid ka mid ah Dowladaha Puntland taageera.

Haatan isqabqabsiga cusub,waxaa dhaliyay Miisaaniyad xoog leh oo ka imaanaysa Maraykanka.

Madaxtooyadu way la socotaa faashilka ka taagan hay’ada isbadal laga filayayna,waxuu umuuqdaa in aysan ku dhiiranayn.

Waxaa si weyn loo xamanayaa Madaxweynaha Walaalkii Xasan Deni in uu wax la og yahay Agaasimaha oo dhaqaale 300-kun oo dolar ah oo Bille ah isaga si gaar ah ugu dhaco,kaasoo ka yimaada jiho qarsoon.

Jibril Qoobey.