Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo si rasmi ah loogu wareejiyay Imaaraadka

Madaxweynaha Dowlada Jubaland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya oo mudo dheer ku maqnaa Dalka Dibadiisa,ayaa Maanta soo laabanaya.

Isla beri,waxuu ugudbayaa Xamar oo uu ka dhacayo Shirka Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah 11-ka Sep furmaya.

Madaxweyne Axmed iyo Nayrobi ?

Nayrobi mudo,ayuu u joogay oo lagula tacaalayay xanuun horay uhayay iyo mid si kedis ah uqabsaday.

Sidoo kale nasasho,ka gabasho xaalado jiray iyo raajicin dano Siyaasadeed oo kaga xirnaa Kenya,ayuu ujoogay.

Madaxweyne Axmed iyo Emaratis?

Imaaraadka,waxuu ku wareejiyay Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo,waxuuna dhamaystiray heshiis mudo soo socday.

Dhaqaale khidmad ah ayay Jubaland ku heshay wareejinta Dekeda iyo Garoonka.

Lacagtaas masoo gaarin Wasaarada Maaliyada Jubaland sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil sar-sare oo ka tirsan.

Weli Kismaayo,waxaa ka taagan Mushahaar la’aantii Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Dowlada marka laga reebo Ciidamada oo hela xoogaa Iidaan ah.

Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo Madaxweyne Axmed Qoyskiisii waa ka rartay Kenya,waxuuna Guri uga iibshay Imaaraadka si rasmi ahna udajiyay.

Jubaland,waxaa ka jira xiisad weyn oo kacdoon ah laguna diidan yahay mudo kororsiga Dastuurka baalmarsan ee Sanadka ah oo Madaxweyne Axmed uu samaystay.

Jibril Qoobey.