Dowlada hoose oo Shirkad Ganacsi siisay qayb ka mid ah Dhulka Isbitaalka Gaalkacyo

Sawirkaasi waa Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo laga dhisayo Pharmacy iyo Super market Gaar loo leeyahay.

Sida aan xogta ku helay,waxaa fasaxay Duqa Magaalada iyo Agaasimaha cusub,waxaana wax ka og Wasiir Dhabancad.

Shirkada Daawada ka shaqaysa ee Alxaramayn,ayaa dhisanaysa.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug,ayaa joojiyay waana ku Mahadsan yahay,balse xoojin ayay ubaahan tahay joonintiisa dhanka Dowlada Dhexe ah iyo Waxgaradka Gobolka ah.

Dowlada hoose ee Gaalkacyo,waxaa dul hoganaya Musuq xuduud dhaaf ah.

Waa ku tumasho cad in xarumaha danta guud loo gacangeliyo shaqsiyaad iyo ganacsiyo gaar ah.