Jig-jiga:-Xildhibaanadii Dowladii Cabdi Iley oo laga saaray Guryihii ay deganaayeen

Waxaa Guryihi ay degenaayeen laga saaray Xildhibaanadii wakhtigoodu dhamaaday ee Xukuumadi CMC marka laga reebo in yar oo kasoo kala jeeda Beelaha Reer Isaaq,Ciise iyo Dagoodi.

Xildhibaan hore Cabdullaahi Garbo

Cabdulaahi Garbo,waa mid ka mid ah Xildhibaanada Alaabtooda banaanka loo dhigay,waxuu kasoo jeeda Beesha Shiikhaal,waana reer Dhagaxbuur.

Xildhibaanada lama siin wax waraaq ah ama ogeysiis ah oo sheegaya in ay baneeyaan Guryaha balse Shalay,ayaa Ciidan la kordhigay alaabtana banaanka loogu soo daadshay.

Guryahan oo ay Dowladii hore dejisay islamarkaana ka diwaangashan Wakaalada Guryeynta,ayaa loogu talagay in ay degenaadaan Xildhibaanada in tay ku jiraan mudo xileedkooda shaqada si bilaash ah.

Mudo xileedkooda kadibna,waxaa loogu talagalay in laga qaado Lacag yar oo dhawr Boqol oo Bir ah sida uu dhigayo Sharciga Wakaalada Guryeynta.

Guryaha ay Dowladu degto waxaa loogu tala galay…

1.Shacabka danyarta ah ee aan kirada qaaliga ah iska bixin karin.

2.Shaqaalaha Dowlada.

3.Macalimiinta.

Waa soo jireen in Dowladu Guryo masuuliyiinta dejiso bilaash ah markay muda xiloodkoodu dhamaado ama xilka laga qaado waxaa laga qaadaa Lacag yar oo kiro ah.

Sharciga Guryaynta waxaan ku jirin Guryaha Dulqabow ka dhisan ee Qasriyada ah,kuwaasoo loogu tala galay Wasiirada markaa shaqada ku jira.

Guryahaas oo hadaba ay degen yihiin Dad Madaxweyne Mustafe ka agdhow oo aan Dowlada wax xil ah ka heyn.