Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho goor dhawayd

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen,ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Laftagareen,ayaa uga qeyb galaya Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo berri ka furmaya Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Madaxweynayaasha JL iyo Hir-shabelle,ayaa kasoo horeeyay,waxaana la sugayaa beri Subixii Madaxweynaha Galmudug oo wararku qaar sheegayaan in uu Zoom uga qaybgeli doono.

Madaxweyne Deni,ayaanba imaanayn bataatan Xamar ayna ubadan tahay in uu kaga soo qaybgalo Aalada Zoom-ka.