Madaxweyne Deni oo xilka ka qaadaya Agaasimayaal door ah

Dhamaan Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland ee uu horay ukeensaday Maxamuud Shiddo oo mar Sxb la ahaa Madaxweyne Deni,ayaa Hawada laga saarayaa.

Agaasimayaasha xilka laga qaadayo,waxaa ugu horeeya Agaasimaha sida gaarka ah muhiimka ugu ah Maxamuud Shido,kaasoo Gacanta ugu haya Maraakiibta Jiriifka ah oo Bil walba ay uga soo xaroodaan 90.000 oo dolar.

Agaasimayaasha la cunayo,waxay kala yihiin…

1.Cabdirisaaq Jaamac Taraag. Agaasimaha guud ee Wasaarada Kaluumeysiga(Ciise Maxamuud,Maxamed Ciise)

2.Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor.Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha( Ciise Maxamuud,Reer Shrwac).

3.Abshir Darbo Agaasimaha Dakhliga Wasaarada Maaliyadda (Ciise Maxamuud, Reer Xuseyn).

Sida muuqata Madaxweyne Deni,waxuu si buuxda ugu diyaar garoobay dagaalka kooxdii ay mar isbahaysiga ahaayeen ee Aaran-jaan.

Jibril Qoobey.