Maxay tahay sababta Deni uga baaqday Shirka Xamar?

Ka baaqashada Madaxweyne Deni ee Shirka Muqdisho waxay daaran tahay hal arin oo ah…

1.In aan Sawir looga qaadan kulan Hal Maalin ah.

Shirka 11-Sep,waxaa looga xaajoonayaa Amniga iyo Dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan,waxuu rabaa in uu ka helo DG saxiix kadibna uu qorshayaashiisa la hor tago caalamka oo taageero dhaqaale uga dalbado.

Maxay yihiin qorshayaasha Xasan?.

Amniga:

In uu la dagaalanka argagixisada ku dalbado dhaqaale,Saanad iyo Hub kadibna hab Beeleed ubadalo oo maalgeliyo Maleeshiyaad Beeshiisa ah.

Hadafkiisu waa in Deegaamada Beesha uu kasoo jeedo laga saaro Alshabaab loona didiyo Puntland iyo Koonfur-galbeed.

Midowga Yurub,ayuu og yahay in ay ku bixinayaan la dagaalanka argagixisada dhaqaale gaaraya 200-Milyan oo dolar.

Dhaqaalaha”

Kabka Miisaaniyada in uu helo,isagoon wax macno ah ka siin Dowlad Goboleedyada.

Dayn cafinta in ay guulaysato,iyadoon door weyn aysan ku lahayn Dowlad Goboleedyada.

Shidaalka in la dhaqaajiyo,iyadoo Dowlad Goboleedyada la inkirayo.

Madaxweyne Xasan,waxaa tijaabo la taaban karo ku noqotay dhismihii Xukuumada iyo qaybinta Lacagta 100-ka Milyan ee ka timid Baanka Aduunka.

Ujeedka uu ka leeyahay Madaxweyne Xasan Shirka 11-Sep ,waa in uu Shirka Guud ee Qaramada Midoobey la tago sawir Somali midaysan ah.

Jibril Qoobey.