Puntland oo ka hor timid wax qaybsi siman oo Maaliyadeed

Puntland waa diiday waxqaybsigii Maaliyada si siman dhamaan Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Maaliyada Puntland,ayaana ka baxay Shirka oo socda.

Doodii hore ee taagnayd oo ahayd in Dowlada Fadaraalku qaadato Boqolkiiba 65%,isla markaana Dowlad Goboleedyada la siiyo 35% waa laga soo gudbay oo 40%,ayaa laysla ogolaaday.

Balse 40% Dowlad Goboleedyadu qaateen,ayaa lasoo jeediyay in loo qaybsado si is le’eg ah.

Puntland waxqaybsigaas waa ka hor timid oo waxay dalbatay saami ka badan kuwa Dowlad Goboleedyada kale.

Galmudug,Hir-shabelle,KG iyo JL waxay maamulaan waa min Magaalo mana laha Miisaaniyad fadhida,mana bixiyaan Mushahaar iyo Adeeg.

Puntland waxay maamumashaa Sadex meelood oo meel guud ahaan Somaliya,iyadoo bixisaa Mushahaar iyo adeeg joogta ah,waxayna leedahay Miisaaniyad ka badan 200-Milyan oo dolar.

Somaliland Lacagtan,waxaa laga siiyay 3-Milyan halka Gobolka Banaadir laga reebay qaybsiga Lacagtan 100-ka Milyan ee dolar ah.

Jibril Qoobey.