Galmudug:-Mudo xileedka Madaxweyne Qoor-qoor oo la kordhinayo

Baarlamaanka Galmudug beri,waxaa la filayaa in uu ansixiyo mudo kordhin Hal sano ah oo lagu kordhiyay mudo xileedka Madaxweyne Qoor-qoor.

Heshiiska Qoor-qoor ku yimid Xamar ayay qayb ka ahayd in aysan Dowlada Fadaraalku ka hor imaan mudo kororsiga Qoor-qoor.

Horay,waxaa usameeyay mudo kororsigan oo kale Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sida muuqata Dowlada Fadaraalku waxba kama qaban karto mudo kororsiyada kasoo yeeraya Dowlad Goboleedyada ee isku dayashada ah.

Guud ahaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka mudo xileedkooda Dowladeed,wuxuu ku siqayaa 5-sano.

Balse dhamaan uma aysan marin hab Dastuuradooda waafaqsan mudo kororsiyada mana samayn nidaam xataa wax u Eg sharciyad.

Mudo xileedka Dowladeed ee Puntland,waxaa loogu raray 5-ta sano Dastuur cusub oo ay ansixisay Ergo le’eg tii lagu yagleelay Puntland.

Jibril Qoobey.