TPLF oo ku dhawaaqday in ay joojisay dagaalkii…

Bayaan kasoo baxay TPLF,ayaa lagu sheegay in ay joojineyso dagaalkii kala dhaxeeyay Ciidamada Abiy.

Tigreegu waxay Gacanta ku dhigeen Dhul Amxaaradu leedahay halka markii hore iyaga laga haystay Dhul ay leeyihiin,balse Shacabka ku nool ay yihiin Amxaaro.

Isla Beri foog,waxaa la filayaa in Tigreegu diraan Gudi wada xaajoodka uga qeybgala.

Dowlada Abiy,ayaa ku khasbanaaday in ay aqbasho wada xaajood oo soo fariisato Miiska.

Dowlada Dhexe ee Itoobiya,ayaa waxaa fuulay culaysyo aad u xoog badan oo ka kala imaanaya…

1.Cadaadiska Beesha Caalamka.

2.Dagaalo gudaha ah.

3.Hoos udhac dhaqaale.

4.Culeys kaga imaanaya Qowmiyada Amxaarada iyo Oromada.

Sida muuqata Labada dhinac waa khasban yihiin,inkastoo Tplf ay gaartay ujeedkii dagaalka.

Wada hadaladu goobta ay ka furmayaan lama shaacin sababo Amni dartood,waxaase la qiyaasayaa in ay noqoto Aljeeriya.

Halkan ka akhriso:-