HOGAAMIYE QARAN (Statesman) Africa kama jiro!

Qofka markii uu Madax noqdo, waxaa uu kala siman yahay ummaddiisa: Naftiisa Sharafkeeda iyo Maalkiisa Amaankeeda. Waxaana waajib ah in la asturo.

Waxaysan Madaxda Africanka oo dhan ogayn in QOFKA markii uu Hogaan qabto in ay bilaabanayso isla xibaabtan uusan sina uga baxsan karin, waa hadii uusan ahayn Kaligiis-Taliye “Dictator.”

Inkastoo Dadka ay fahansan yihiin macnaha iyo waajibka saaran Madaxdooda, hadana waa mid ay Dadka Africanka lagu kari la’ayahay fahamkeeda. Madaxda waxay u simanyihiin Dadka oo dhan. Laguma dulmin karo, waa reer hebel. Qaladkooda Indhaha loogama daboolan karo, waa reer hebel.

TUSAALE:

Waxaan ka warqabnaa in Dad badan ay ka qaybqaateen DAGAALKII looga soo horjeestay in Madaxwaynahii hore, Mohamed Abdulaahi Farmaajo, Dalka uu dib ugu celiyo “Central System” Duliga ahaa ee K A C A A N K I I – W A A L N A A ku caburiyey Soomaalida.

Marka, hadii Hogaan hufan la rabo, waa la bilaabo in lagu daro Casharo ku saabsan Hogaanka suuban Manhajka Waxbarashada iskuulada Hoose iyo kuwa Sare si JIILKA cusub ay u baraan in Ruuxa lagu Aaminay masuuliyada Dalka uu yahay Qof diyaar u ah in lala Xisaabtamo, Qabiilna lagu difaaci karin.

Sababtana ay tahay in uu faraha la galay:

  1. Howl guud oo la wada leeyahay.
  2. Hanti ka dhaxaysa Dadka.
  3. Hogaan uu Masuuliyadeeda aqbalay
  4. Cadaalad fal Sharciga lagu ilaaliyo.
  5. QARANKI oo lagu Aaminay.

Intaas iyo in ka badan oo masuuliyadeeda Alle kula xisaabtamaayo, hadii ay Daldaloolo yeeshaan ama Qofka Madaxda ka soo bixi waayo, ma aha in uu Naf moodo, waa Reer Hebel yaan la isdhibsan ama FARAHA ha laga qaado si afartiisa sano u dhamaysto. Taas waxaa laga diidey M. S. Barre iyo M. A. Farmaajo. HSM 2 lagama yeeli doono, cidii dhibsan lahayd, hada ha kala taliso Siyaasad Xummidda.

WQ:-Mohamed Barre Minneapolis, MN – September 08, 2022.