Miyuu fashil kusoo idlaaday kulankii Madaxweynayaasha?

Miisaan badan ma leh Qodobada ka soo baxay marka qayla dhaanta abaaraha laga reebo.

Kaliya waxaa la oran karaa War bay soo saareen,sababtoo ah waxaa looga fadhiyay Arimaha taagan in ay xal uhelaan oo kasoo saaraan heshiis…

1.Maaliyada xal muuqda.


2.Amniga oo xal ay ka gaaraan iyo jihayn toos ah oo mudaysan.

3.Arrimaha Dastuurka,Federaalaynta, Lacagta dalka iyo arrima kale Oo mudnayd in la dul istaago.

Waxa kaliya ee kulankaas lagu gaaray waxaa la oran karaa waa qaybsiga Lacagtii $100 Milion.

Dadka la socda Siyaasada,ayaa saadaalinayay in sidaas uu kusoo gabagaboobi doono kulankaas.

Madaxweyne Deni waa ku saxsanaa in uusan wakhti ku lumin igu sawir aan maqaam lahayn.

Madaxweyne Xasan waxa ugu weyn ee uu ka heli lahaa kulankan waa igu sawir uu la Aado Qaramada Midoobey,iyadiina imaansho la’aanta Deni,ayaa macno tirtay oo muujisay in uu jiro khilaaf xoog badan.