Shaqaalaha Dakhliga PL oo aan Bishii Labaad helin Khidmadoodii

Dakhliga Dowlada Puntland waxaa ku yimid koror tan iyo intii Deni Xukunka qabtay.

Bishii waxaa hada uga soo xaroota Canshuuraha gudaha Dowlada Puntland $7.5-Milion.

Kororkaas,waxaa sababay guud ahaan Shaqaalaha oo loo kordhiyay Mushahaaraadka gaar ahaan kuwa Dakhliga soo xareeya oo loo sameeyay khidmad ugaar ah.

Khidmadaas waa 0.045 in loogu dhufto Dakhliga usoo xareeyay Qofka markaa jooga goob Dakhli sida Canshuuraha Bariga iyo Kastamada.

Lacagtaas khidmada ah ee Shaqaalaha Dakhliga soo xareeya lagu dhiirigeliyo,waxaa uga masuul ah Wasaarada Maaliyada Agaasime Abshir Darbo.

Lacagta usoo go’da Shaqaalaha Dakhliga Bishii,waxay dhan tahay $337.500.

Labadii Bilood ee udanbeeyay lama siin Shaqaalaha khidmadoodii usoo go’day ee dhiirigelinta.

Balse maalmo ka hor,ayuu qaar ka mid ah wax ukala diray ka hooseeya waxay xaqa ulahaayeen Agaasime Darbo.

Qof Shaqaale ah oo jooga Bar Kayntarool oo aan la xiriiray,waxuu iisheegay in uu soo xareeyay $50-kun loona soo diray $60 haraagiina waxaa la haray Agaasinka.

Abshir,waxuu ka mid yahay Agaasimayaasha uu keensaday una ah Isha dhaqaale ee wax soo saar Maxamuud Shido.

Lacagtaas in ay toos ugu dhacdo Acount Maxamuud leeyahay ayay ii xaqiijiyeen Saraakiil sar-sare oo Wasaarada Maaliyada ka mid ah.

Madaxweyne Deni in uu ku dhiirado xilka qaadista Agaasimyaal uu ku jiro Abshir kuma khaldana haduu Maxamuud iska dhicinayo.

Jibril Qoobey.