Ruto oo Maanta la caleemo saarayo

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto,ayaa loo ballansan yahay in Maanta loo dhaariyo xukunka Dalkaasi.

Waxaa munaasibadda caleema-saarkiisa ka qaybgalaya madax kala duwan oo ah kuwa Qaarada Africa iyo Waddamada kale ee caalamka.

Madaxdaas ka qaybgalaysa caleemasaarka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafti la socda.