Beesha Caalamka oo ku cadaadinaysa Dowlada Somaliya ku dhawaaqista Macaluul

Beesha caalamku waxay ku cadaadinaysaa Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah in lagu dhawaaqo Dalku in uu galay Macaluul.

Dowlada Dhexe way diidan tahay ku dhawaaqistaas,waxayna taagan tahay Abaar,ayaa jirta ee Macaluul xaalku ma gaarsiisna.

Dowlad Goboleedyada,ayaa kula socda go’aankaas Dowlada Fadaraalka.

Socdaalka Wakiilada Caalamka ee Baydhabo arinkaas,ayuu ku salaysan yahay,waxayna samaynayaan cadaadis ay si gaar-gaar ah uu saarayaan.

Wakiilada Beesha Caalamku waxay udanaynayaan ku dhawaaqista Macaluusha waa dano dhaqaale.

Somaliduna waxay og yihiin in ay istaagayaan dhamaan Mashaariicdii nooc walba lahayd ee socotay loona leexinayo Galay WFP loogu deeqo.

Jibril Qoobey.