Gudiga Doorashada Itoobiya oo waxba kama jiraan ka dhigay Doorashadii Ra’isalwasaare Abiy

Gudida Doorashooyinka Dalka Itoobiya,ayaa waxba kama jiraan ka dhigay Doorashadii Xisbiga Barwaaqo ee lagu doortay RW Abiy ku xigeenkiisa Demeko Mekenon iyo Aadan Faarax.

Gudiga,ayaa cuskaday in dhawr Qodob oo xadgudub ku ah nidaamka Doorashada ay dhaceen xiligaas,kuwaasoo kala ah…

1.Xubinihi Gudida Doorashada ee kor joogtada ahaan lahaa oo la xadiday dhaqdhaqaadoodii.

  1. Gudigii Doorashada oo loo diiday in ay duubtaan hanaanka Doorashada.

3.Guud ahaan Doorashadaas oo baalmarsanayd Sharciga.

Abiy oo ku noqday ra’isalwasaaraha Dalka Doorashadaas,ayaa warkan waxuu ku yahay dharbaaxo xoog leh iyo in uu Sharcidaro ku joogo Xaafiiska.

Xisbiga PP,ayaa loo qabtay mudo Afar bilood gudahood ah in ay ku qabtaan Doorasho xalaal ah.

Gudiga Doorashada Itoobiya,waxaa hogaamisa Gabar Amxaarada xagjirka ah oo xiligii Tplf la xiray laguna kufsaday Xabsigii ay ku jirtay.

Waa war weyn in Gudiga Doorashada Itoobiya baabi’iyo Doorashadii Abiy ku noqday ra’isalwasaaraha.