Madaxweyne Mustafe Cagjar oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada

Madaxweyne Mustafe Cagjar,waxuu sameeyay isku Shaandheyn Golihiisa Wasiirada ah.

Isku shaandhayntan masuuliyiinta ay taabatay,waxaa ugu horeeya Mubashir Dibad oo laga wareejiyey hogaankii
Nabadgalyada loona wareejiyey Xafiiska Qorsheynta.

Xaafiiska Qorshaynta,ayaa ah mid cusub oo horey u ahaa waax ka tirsan Xaafiiska Maaliyada.

Mubashir Dibad,ayaa diiday magacaabistan cusub,waxaana Caawa loo diray Garaad Kulmiye si uu ugu qanciyo xilkan cusub,iyadoo loo dhiibay fariin ah in Miisaniyada ka bista ah ee Madaxtooyada qoondo fiican laga siinayo.

Mustafe oo ka cararaya xiriirka wanagsan ee Mubashir iyo Dowlada Dhexe kana faa’ideysanaya khilaafka hogaminta sare ee Xisbiga PP,ayaa ku dhiiraday isku shaandhayntan Caawa.

Halkan ka akhriso:-

Jibril Qoobey.