Madaxweyne Mustafe oo weli sii wada kala qaybinta Ururada Siyaasadeed Ee kasoo horjeeda

Madaxweyne Mustafe weli,waxuu ku mashquulsan yahay kala jabinta quwada Siyaasi ee Beesha R.Cabdille.

Horay,waxuu ukala jabiyay Ururkii Onlf oo hada ay kala hogaamiyaan Laba Garab oo kala leh,Labo Gudoomiyayaal,Labo Ku xigeeno iyo Labo Gole Dhexe.

Labada Garab ee Onlf mid,ayuu soo dhawaystay kuna casuumaa Xafladaha oo siiyay Xarun weyn oo ku taal Dabakh u ahaan jirtay Nin Tigree ah Madbacad,kaasoo lagu magacaabi jiray Tendhi Manjus.

Halka Garabka Maadey hogaamiyo laga dhigay Qaran dumis laguna Shaabadeeyay in ay Tplf la shaqeeyaan.

Haatan,waxuu markale weerar Siyaasadeed ku qaaday Ururkii kale ee uu hogaaminayay Siyaasi Beesha R.Cabdille kasoo jeeda waa FEP.

Gudoomiyihii iyo ku xigeenkii,ayuu ka dhex abuuray xaalad keentay in Gudoomiyihii laga qoro Warqad xilka qaadis ah.

Gudoomiyaha Ururka FEP Ibraahim Dheere,ayaa ka mid ahaa hogaamintii Ururkii Alitixaad ee Nabada qaatay xiligii Meles Sanawi.

Xilka qaadistiisa,ayaa loo cuskaday in uu tagey Somaliya.

Madaxweyne Mustafe,ayaa si weyn uga shaki qaba tagidii Gudoomiye Maadey iyo braahim Dheere ee Somaliya ayna kula kulmeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo RW Xamse oo ay kasoo wada jeedaan Beesha R.Cabdille.

Jibril Qoobey.