Tigreega oo qirtay in laga qabsaday Magaalada Sharero

Taliyaya Ciiddamada Tigreega,ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya ay Afar jiho kasoo weerareen.

Tadase Warade, wuxuu kaloo sheegay in Dowladda dhexe iyo Ciiddamada Eritrea ay doonayeen inay qabsadaan Magaaloyinka waawayn ee Tigreega.

Qorshaha Dowladda dhexe,ayuu ku sifeeyay mid lagu doonayo in Hubka lagaga dhigo TPLF,wuxuuse xusay inay qorshahaas ka hortageen.

Taliyaha Ciiddamada TPLF wuxuu sheegay in ciiddamo Eritrea kasoo gudbay ay qabsadeen Magaalada Shiraro iyo kuwa yar-yar oo ka agdhaw.

Shiraro,ayaa ah xarunti Taliska ilaalada xadka ilaa Badhime oo uu yaalay Hubkii ugu cuslaa,waxaana heysan jiray Nin lagu magacaabi jiray Col. Shariif oo Somaali ahaa.

TPLF,ayaa qiratay in laga qabsaday goobtan waxayna beesha calaamka udireen fariin ah in ay nabada diyaar uyihiin soona dhaweynayaan wada hadalada balse lagu qasbayo dagaalka,iyaguna ay yihiin Dad difaacaya sumcada sharafka iyo jiritaanka isirka Tigreega.

Jibril Qoobey.