Azebaijan iyo Armenia oo dagaal koodii sii xoogaystay

Azerbaijan,ayaa maanta sheegtay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaad ay xuduudda kula galeen ciidamada Armenia labadii maalmood ee ugu dambeeyey, taasi oo ka badan tiradii ay horey u shaacisay oo aheyd 50.

Armenia ayaa dhankeedana sheegtay in 105 askari looga dilay dagaalka, oo ah kii ugu xumaa ee ka dhaca xuduudda tan iyo dagaalkii weynaa ee dabayaaqadii 2020.

Dowladda Armenia ayaa sheegtay in xabad-joojin ay weli ka dhaqan galeyso xuduudda Azerbaijan ayada oo wax iska horimaadyo cusub aan lasoo werin xalay.

Iska horimaadyadii dhacay Talaadada iyo Arbacadii ayaa ku istaagay “farogelin caalami ah” oo xalay la sameeyey, waxaa sidaas sheegay golaha amniga Armenia, kadib markii uu horey u guuldarreystay isku day xabad-joojin oo ay Russia ka shaqeysay.

Baku iyo Yerevan ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu billaabay rabshadaha ka taagan xuduudda ay wadaagaan, kuwaasi oo ay ku barakaceen boqolaal qof oo shacab Armenian ah.

Xiisadda ayaa timid ayada oo xulufada ugu dhow Armenia ee Ruushka ay ku mashquulsan yihiin dagaalka 7-da bil ka socda dalka Ukraine.