Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Madaxa Baanka Aduunka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA BANGIGA ADDUUNKA

Washington, Sebteebar 16, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Mudane David Malpass ayaa kala hadlay dhameystirka barnaamijka deyn cafinta iyo in mashaariicda hormarineed ee deeq-bixiyeyaasha caalamka lagu saleeyo baahida dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna, waxa uuna la wadaagay Bangiga Adduunka, qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Mudane David Malpass ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dib u habeyn ku sameynayaan dhinacyada ay xoogga saaraan mashaariicda Bangiga Adduunku.

Mudane David Malpass ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helista duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD