Xasan Shiikh oo kusoo hungoobay Pentagon ?

Madaxweyne waa in State Department lagu soo dhoweeyaa balse Somaliya waxaa weli lagula dhaqmayaa xiriirka Amniga meeshii ay ahayd xiriirka Diplomaasiyadda.

Kulankii Pentagon,waxuu Madaxweynuhu kaga dalbaday Maraykanka laba arimood oo kala ah…

1.In laga taageero la dagaalanka argagixisada Somaliya.

2.In lagala shaqeeyo Somaliya qaadida cunaqabataynta Hubka.

Jawaabta Pentagon ay ka bixisay codsiyada Madaxweynaha,waxay ahaayeen….

1.La dagaalanka argagixisada,waxaa noo qaabilsan Laan gaar ah oo hoostagta Taliska Africom,waana ugudbinaynaa codsigaaga.

2.Qaadida Cunaqabataynta waxay ubaahan tahay Olale,waxaana shaqadaas iska leh Wasaarada Arimaha Dibada.

Kulanka,waxaa kala qaybgalay Madaxweynaha dhanka Somalida ah…

1.Wasiirka Amniga
2.Safiirka Somaliya ee Maraykanka.
3.Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.
4.Agaasimaha Madaxtooyada.

Qiimaynta guud”

Kulankaas wax natiijo ah oo Somali macno usamaynaya kama soo bixin,taa badalkeeda bahdil maqaam ayay ku dareemeen Bulshada Somaliyed.

Madaxweyne Xasan,waxuu hardan ugu jiraa in uu horumar ka sameeyo xiriirka dibada,waxuuse ilowsan yahay Siyaasadiisa gudaha oo aan guulaysan tiisa dibada in aysan miro dhal noqonayn.

Jibril Qoobey.