Dagaal laysku riiqmay oo dhexmaraya Tigreega iyo Mileteriga Itoobiya

Madaxweynaha cusub ee Kenya Ruto,ayaa Uhuru kenyatta umagacaabay Ergayga gaar Ka ah ee u xilsaaran xalinta dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya.

Dalalka reer Galbeedka,ayaa bogaadiyay xilka Uhuru loo magacaabay.

Waxaa xusid mudan in Uhuru uu yahay Sxb dhow oo xiriir Wanaagsan la leh TPLF.

Magacaabista Uhuru waxay kusoo aadaysaa,iyadoo ra’isalwasaare Abiy amray dagaal uu ku tilmaamay kii kala baxa.

Abiy,waxuu dalbaday in dib loogu dhigo wada xaajoodka laba Todobaad,isagoo hadafkiisu yahay in gulufka uu qaaday Tplf lagu soo afjaro.

Ciidamo gaaraya 1-Milyan oo iskugu jira Mileteriga Itoobiya,Eretereya iyo Maleeshiyda Amxaarada ee Fana,ayaa weerarka lagu qaaday Tigreega qaybka ah.

Ciidamada Ismaamulada qaarkood,ayaa dagaalka qayb ka ah,waxaana ilaa iyo hada diyaariyay Ciidan…

Degaanka Oromiya, 20,000 kun oo Ciidanka Gaarka ah.

Degaanka Somaalida, 7,000 kun oo Ciidanka Gaarka ah.

Degaanka Sidaama, 3,000 kun oo Ciidanka Gaarka ah.

12-Drones cusub ah,ayaa Imaaraadku ku taageeray Milateriga Itoobiya ee dagaalka kula jira Tigreega.

Itoobiya way ka maarantaa 4-Milyan oo Qof xataa haday naga dhimato”Ayuu hal hays ka dhigtay Abiy.

Durba dagaalkii socday 5-ta maalmood,waxaa Tigreega looga qabsaday Shiro,Adhido iyo Sogado.

Sidoo kale Tigreegu waxay Gacanta ku dhigeen furinta dhanka Amxaarada Magaalooyinka Qobe,Robot,Warkiye iyo Aboot.

Tplf,ayaa umuuqata in ay awooda saarayaan Furimaha Amxaarada iyo Sudan xiga,iyagoo wada dagaal adag oo ka socda xuduuda Humayra.

Isgaarsiinta,ayaa laga jaray Deegaan walba oo dagaalku ka socdo,waxaana Taleefoonada laga ururiyay Askarta.

Tigreegu dhankooda waxay uqaybiyeen Hubkii Shacabkooda Qof walba oo Qori qaadi kara.

Jibril Qoobey.