Dowlada Fadaraalka oo sheegatay in ay dishay Shabaab door ah

Dowlada Somaliya ayaa sheegtay inay dishay ugu yaraan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada militarigu ka fuliyeen deegaanka Aboorrey oo 25-kiilo mitir dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka, shan askri oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhaawacyo kasoo gaareen dagaalkan.

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliyaa.

“Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 150 dhagar qabeyaal Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan oo Argagixisadu ay ku gumaadi jireen shacabk.” ayuu raaciyay bayaanka dowladda.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa ciidamada militariga iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macowsleyda ay dagaallo xooggan kula jireen maleeshiyada Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Galguduud.