Xasan Sh oo la qaatay Blinken kulan laga qariyay Abshir Huruuse

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkan Mareykanka,ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo Victoria Nuland oo ah ku xigeenka xoghayaha.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu dadka Somaliyed ka caawiyo la dagaallanka argagixisada, ka hortagga macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha” ayuu Blinken ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Waxa uu Blinken sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh ay ka wadahadleen xassilloonida, maamul wanaagga iyo hiigsiga arrimaha bini’aadanimada.

Kulankan iyo kulamadii ka horeeysyba,waxaan goob joog ka ahayn Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ee dhigiisa ahaa Blinkken.

Dad badan,ayaa Xasan ku dhaliilay awood marooqsiga bahdilida Xukuumada iyo inkirida doorkii Fulinta.