Madaxda caalamka oo kusii qul-qulaya Aaska Boqoradii Ingiriiska Ee Geeriyootay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Axadda maanta ah ku sugan magaalada London, halkaas oo uu uga qeyb galayo aaska qaran ee Queen Elizabeth II, xilli dadka caadiga ah ee u baroordiiqaya ee safafka dhaadheer ugu jira si ay u arkaan naxashka uu ku jiro maydkeeda loo sheegay in waqtigu kasii dhamaanayo.

Biden, boqorka Japan Naruhito iyo madaxda kale ee dunida ayaa tagay goobta baroordiiqda oo ah hool ku yaalla xarunta Westminister ee Baarlamaanka waxaana ay markaa ka dib lagu wadaa inay ka qaybgalaan soo dhawaynta ninka taajka boqortooyada kala wareegay boqorada geeriyooday ee boqor Charles III.

Biden, oo u dhoofay UK Sabtidii ayaa sheegay in Elizabeth ay dhigtay rikoor taariikhi ah kadib 70 sano oo ay ahayd boqoradda dalkaasi kahor dhimashdeedii siddeeddii bishan iyadoo ahayd 96 jir.

Hoggaamiyayaasha dalalka Barwaaqo-sooranka,ayaa sidoo kale ka mid ah tobannaan madaxda dowladaha caalamka ka socda oo ka qaybgalaya aaska boqoradd,a iyada oo Britain ku jirto howlgalkeedii ugu weynaa ee abid ee Booliisku ay ku sugayaan ammaanka.

Halkan ka daawo muuqaalka