Maxay tahay ujeedada uu ka leeyahay Madaxweyne Xasan dhismaha qarsoodiga ah Garoon Mileteri oo ay yeelato Cadalle?

Maxay tahay ujeedada uu ka leeyahay Madaxweyne Xasan dhismaha qarsoodiga ah Garoon Mileteri oo ay yeelato Cadalle?

Waa su’aal Dad yar oo xog ogaal unoqday qorshe uu wado Xasan Shiikh ay iswaydiinayaan.

Ma cada ujeedka rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan uu ka leeyahay dhisme Garoon Mileteri oo laga dhiso Cadalle.

Garoonka,waxaa dhisaysa Shirkad lagu magacaabo Docol oo Madaxweyne Guudlaawe inteeda badan leeyahay.

Maalgalinta dhismaha garoonka Mileteri ee Cadalle,waxaa bixinaya Rugta Ganacsiga ee Muqdisho ee uu hogaamiyo Gabayre.

Lacagta lagu bixinayo dhismahan waa midii ay iska urursheen Ganacsatada Muqdisho looguna talagalay dayactirka Wadooyinka Magaalada.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee MuqdishoMaxamuud Cabdi Gabayre oo waayahan ay haysatay wal wal uu ka qabo in la badalo si gaar ahna isaga iyo Madaxweyne Xasan ukala fogaayeen,ayaa ka faa’idaysanaya qorshahan.

Garoonka Aadan-cade,ayay kula kulmeen Madaxweyne Xasan oo sii dhoofaya Gabayre iyo Ganacsato kale,halkaas,ayaana lagu heshiiyay laguna balamay fulinta dhismaha Garoonkaas.

Ganacsato door ah oo Lacagtan ubixiyay horumarka Magaalada,ayaa qorshahan durba dareen khatara ka muujiyay.

Jibril Qoobey.