Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland oo dib ufurmaya

Guddoonka Golaha Wakiillada DPL Oo Maanta kulan gaar ah la Qaatay Guddiyadii Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo Natiijada La Xisaabtankii Xukuuumadda.

Garoowe, September 19, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa manta kulan gaar ah la qaatay Guddiyadii gaarka ah ee Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo natiijadii La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kal-fadhiga 50-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiyada, taas oo ku saabsan shaqadii loo xil-saaray iyo halka wax u marayaan,wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isaga xil-saareen hawshan baaxadda leh iyo wixii uga qabsoomay.

Ugu dambeyntii, waxaa la go’aamiyey in la fadhiisiyo Golaha Wakiilllada si loo soo geba-gebeeyo hawlaha qabyada ka ah Golaha Kalfadhiga 50-aad, sidaas daraadeed waxaa la isla qaatay in maalinta Isniinta ee 26 Sep, 2022 uu Goluhu dib u fadhiisto haddii Alle Idmo.

Arimaha ugu waa weyn ee la filayo in Golaha la horkeeno,waxaa ku jira ansixinta Xubnaha Garsoorka oo la filayo in Madaxweynuhu kusoo celiyo mar Sadexaad Xubnihii hore.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland