Madaxweyne Deni oo Shaqaalaha Rayidka ah tababar ufuray

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta furay tababarada shaqaalaha Dowladda wejigiisa koowaad oo loo qabanayo 100 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda ee kala duwan. Waana markii ugu horeysay Somaliya oo Shaqaale intaasi leeg lagu tababarayo xarumo Dowli ah oo Gudaha dalka laga hirgeliyay.

Tababarka waxaa iska kaashanaya Macadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya, waxaana qorshan oo xarumaha ay khuseyso ay kala soo shaqeysay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland uu ka mid yahay ballan qaadkii Madaxweynaha ee tayeynta Shaqaalaha.

Halkan ka daawo muuqaalka