Deegaanka Booco oo laga qabsaday Alshabaab

Wararka ka imaanaya Goboka Hiiraan,ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo kaalmo ka helaya kuwa Deegaanka ay qabsadeen Tuulada Booco oo ilaa 50-km dhinaca Koonfur Bari ka xigta magaalada Beledweyne maanta.

Qabashadan,ayaa daba socota hawlgallo ay maalmahan Deegaanka ka wadeen Ciidamada Dowadda Federaalka iyo Dadka Deegaanka oo is abaabulay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa iyaguna sheegaya in Ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay qabsadeen Deegaanka Sinadhaqo oo u dhow Magaalada.

Qabsashada kadib,ayaa la sheegay inuu degaanka ka dhacay qarax loo adeegsaday Miinada la dhigo Waddada dhinaceeda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.