Itoobiya oo sicir barar iyo dhaqaale xumo darteed xaraash ugu bilowday Shidaalka Degaanka Somalida

Shirkada United Capital Group ayaa sheegtay inay doonayso inkaqaybgasho hawlaha sahaminta iyo horumarinta gaaska dabiiciga ah ee Itoobiya.

Maareeyaha guud ee Shirkada United Capital Group oo ah shirkada laga leeyahay dalka Jordan ayaa sheegay in Shirkadoodu danayso inay kaqayb qaadato hawlaha sahaminta iyo horumarinta gaaska dabiiciga ah ee Itoobiya

Dhankiisa Wasiirka wasaarada Macdanta ee JDFi, Injineer Takale Uma, ayaa sheegay in uu Hawlaha maalgashiga gaaska dabiiciga ah uu kala xaajooday wafti kasocda Shirkada United Capital Group oo uu hoggaaminayo dhaxal sugaha dalka Jordan Amiir Cabbaas Bini Ali Bini Naa’if.

Wasiirka ayaa Fariin uu ku qoray Bartiisa warbaahinta bulshada ku sheegay in shirkadan oo ku hawlan ka ganacsiga shidaalka iyo macdanaha kala duwan ay danaynayso inay ka qayb qaadato sahaminta iyo horumarinta Gaaska dabiiciga ah ee Itoobiya.

Injineer Takale Uma, ayaa intaas ku daray inay Waftiga shirkada United Capital Group ay isku afgarteen in la bilaabo hawlaho wax ku ool ah oo dhinaca Horumarinta Khayraadka macdanta ku aaddan.